Jawaabta su’aashaan way adagtahay. Dadka qaar, badbaado uma noqon karto inay u soo baxdo dhaqtarka caafimaadka, gaar ahaan wadamada halka LGBT ay sharci daro ka aheyd ama arimaha gaarka ah ee u dhaxeeyo dhaqtarka iyo bukaanka hubaal kuma ahan sharciga.
Si kastaba, haddii ay noo suurtogaleyso inaan aamino dhaqaatiirteena caafimaad, waxaa u suurtogaleyso inay si wanaagsan noo daryeelaan. Kala hadlidooda ku saabsan aqoonsigaaga jinsiga, dooqa galmada, iyo noocyada galmada aad yeelaneysid waxay kuu ogolaaneysaa inaad sameysid baaritaanada saxda ah ee aad u baahantahay inaad caafimaadkaaga ku joogteysid.
Xasuuso inaad u qalantid waaya aragnimada xafiiska dhaqtarka oo aan kaliya aheyn badbaado laakin sidoo kale aan ceeb laheyn. Haddii dhaqtarka isku dayo inuu kuu sheego in dooqaaga galmada, aqoonsiga jinsiga, ama galmada aad sameyneysid inay qaldantahay, si tartiib ah ugu sheeg inaad rabtid inaad kala hadashid wax ku saabsan daawo inta lagu jiro booqashadaada.
Ka fiiri fiidiyahaan halka daqiiqo ah oo Ka Badan AIDS wixii dheeraad ah. (Ciwaanka Warbixinta oo Af-Soomaali ah)
Was this article helpful?
11 out of 12 found this helpful
Have more questions? Submit a request